Douglas Costa oo ciqaab adag wajahaya (Imisa kulan ayaa la ganaaxi karaa?)

0

(Torino) 16 Sebt 2018 – Garab weerarka Juventus ee Douglas Costa ayaa halis ugu jira ganaax 3-5 kulan ah, kaddib markii uu wejiga uga candhuufay laacib ka tirsan Sassuolo.

Brazilian-kan ayaa beddel ku yimid ciyaartan oo ay Juve 2-1 ku martay Sassuolo oo ay ku qaabishey Juventus Stadium.

Yeelkeede, waxaa ciyaartan hareeyay muran dhex maray Federico Di Francesco (oo uu dhalay macallinka Roma ee Eusebio) oo u safta Sassuolo iyo Costa.

Costa ayaa markii u muuqdey mid xusul u duugaya laacibka, markii kalena herti isku deyaya, wuxuuse kasii daray markii uu candhuuf ku qaboojiyay Di Francesco oo aad ugu dhowaa.

Falalkan oo kale waxay guddiga anshaxu ku xukumaan 3 kulan, lkn waxaa candhuufta wehliya xusul iyo herti, taaso 5 kulan gaari karta, waloow xitaa 3 kulan ay dhib ku tahay Juve oo 3 kulan kaddib Napoli wajahaysa.

Hadalsame Media