CUQUBO: Yaman oo baahi darteed CALEEMAHA loo cunayo!!

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2018 – Macluusha iyo rafaadka nololeed ee haysta shacabka Yeman ayaa sabab u noqday in qaar ka mid ah qoysaska ay carruurtood quud iyo waxay cunnaan uga raadiyaan caleenta geedaha oo ay inta kariyaan cunto ka dhigtaan.

Dagaalka sokeeye ee Yeman oo ay hurrinayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sababay musiibooyin bini’aadanimo oo ay ugu wayntahay gaajo iyo barakac.

Waqooyiga Yeman waxaa laga soo sheegayaa in hadda qoysas badan iyaga iyo carruutooda wajahayaan macluul iyo diif darran waxaana ay markaan maciin bideen inay caleenta geedaha naf ka raadiyaan oo ay quutaan ama ay cunnaan.

Maqaarka jirkooda carruurta yar yar ayaa noqday wax laga naxo waxaana meelaha qaar kood la sheegayaa in heerka caafimaadkoodu gaaray mid aad u hooseeya tiiyoo aysan jirin adeegyo caafimaad oo waxtar leh gaar ahaan deegaanada waqootiga Yemen.

Ugu yaraan 20 carruur ah ayaa sanadkaan u dhintay nafaqo-darro sida ay sheegayaan Hay’addaha qaabilsan gargaarka.

Dhibaatada ugu darran ayaa la sheegay inay ka jirto Magaaladda Aslam ee gobolka Hajjah, waqooyiga Yemen.

Qiyaastii Labo Malyan iyo Bar oo u badan haween iyo carruur ayaa hadda waxay ku jiraan xaalad nafaqo-darri ah, halka afar boqol oo kun oo carruur ahna ay la halgamayaan noloshooda si ay ula dagaalamaan nafaqo-darri baahsan.

Hadalsame Media