Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax xalay laga maqlay Muqdisho

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2018 – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday qarax xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho iyadoona dad goobjoogayaal ahi sheegeen in jugta qaraxa laga maqlay meelo fog fog.

Qaraxaan oo dhacay xalay abaare 10:30pm xiliga Muqdisho ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel aad ugu dhaw bankiga Amal. Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xiray goobta qaraxani ka dhacay waxaana loo diiday dadweynaha.

Wararka rasmiga ah ee saakay ka soo baxaya qaraxii xalay waxay sheegayaan in loo adeegsaday gaari gacan, waana markii labaad oo qaraxan nuucaan ah uu ka dhaco Muqdisho bishaan gudaheeda.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay iyo bartilmaameedkiisa  waxaase la filayaa in Booliska Soomaaliya ka hadlaan saacadaha soo socda.

Hadalsame Media