“Muddo 3 sano ah waxaa isbitaal Puntland ku yaalla ku dhimatay 500 oo sabi” – Dr Saadaq Eenow

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2018 – Dhallinyaro, aynu si ka-duwan u fekernee, Qaybta 2-aad ee ugu xooggan marka laga hadlayo mu’asasaadda arimaha bulshada waa caafimaadka, kaas oo u qaybsama caafimaadka asaasiga ah (Primary Health Care) iyo caafimaadka dadka waawayn (Secondary Health Care).

Caafimaadka asaasiga ah waa adeegga la xiriira hooyada uurka leh, ilmaha ay siddo, hannaanka loo bixiyo adeegga dhalmada caruurta iyo ilmaha dhasha illaa uu shan sano ka gaaro. Labadan qof oo isa-sida (hooyada iyo dhallaanka), waxay ku sugan yihiin khatar ah in mid walba dhaawaciisu uu midka kale u geysto dhaawac.

Waa laba qof oo si fudud isugu dhiman kara. Gaar ahaan hooyada oo xaaladdeedu tahay in ay nolol curineyso (ilaah-baa abuurka lehe), xilli ay teedii halis ugu jirto in ay ku weydo.

Hooyadu, muddada sagaalka bilood ah oo ay ay uurka leedahay waxay halis u tahay in caafimaadkeeda dhaawac ku yimaado. Waayo waa qof uu ku dhex nool-yahay qof kale oo isna doonaya nolol.

Sidaa darteed waxay u baahan tahay xannaanayn gaar ah oo lagula socdo caafimaadkeeda. Waxaa kale oo halis ah marka ay dhalayso oo sababo aad u fudud ay keeni karto in ay ku naf-weydo. Cabbirka hooyada u dhimata foosha (Maternal Mortality Ratio) wuxuu kamid yahay meelaha laga eego caafimaadka bulshada.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dhowrka dal oo lagu tilmaamo in ay ugu ayaan-daran yihiin si hooyo loogu noqdo. Halistaas mid lamid ah ayaa ilmaha inoo dhashana ay ku jiraan. Qiso dhacday haddaan idiin-kaga waramo, saddexdii sano oo ka horeeyey markaan xilka qabtay (2011, 2012 iyo 2013), isbitaal kamid ah kuwa waawayn ee Dal-udug waxaa ku dhashay 2000 oo caruur ah. 500 oo kamid ah waa ay dhinteen.

Waxaa ayaan-darro ah in bulshadeenu ay moog-tahay hoogga iyo ba’a haysta ubadkaas tirab-tarabta u dhimanaya.

Barnaamikeyga, siyaasadda caafimaadka asaasiga ah wuxuu yahay in la yareeyo hooyada iyo dhallaanka u dhimanaya dayaca. Haddii geeridu ay tahay mid sabab ku timaadda, noloshuna waa mid sabab ku joogta.

Caafimaadka dadka waawayn, yoolka aan tiigsanayo waa in uu bilaash noqdaa. Waxaan u joogsanayaa si saddex meelood loo xoojiyo.

(1) In la xoojiyo tirada iyo tayada dhallinyarada ku howlan shaqada caafimaadka.

(2) In adeegga caafimaadka la gaarsiiyo dhulka laamiga ka fog.

(3) In la dhiso hay’ad ku shaqaysa hannaan faya-dhowr oo casri ah, iyada oo la qiimeynayo shahaado walba oo caafimaad.

Dowladdu waxay kicinaysaa dhamaan tayada isbitaallada ay iyadu maamusho. Waxay u raadineysa qalab casri ah oo la tayo ah qalabka yaal isbitaallada dowladaha aanu deriska nahay.

Takhasusaadka aanan dalka laga helin, waxaa loo soo kireynayaa takhaatiir aqoon u leh, kuwaas oo dadkana inoo daweeya, dhallinyaradana wax inoo-bara. Kharajka caafimaadka ku baxa, waan dhimeynaa oo dowladda ayaa kabaysa iyada oo laga bilaabayo sanadba hal gobol.

Gobolka Bari oo ah gobol dadkuna ku badan yihiin, awoodna u leh in uu tijaabada koowaad hir-geliyo ayuu barnaamijku ka bilaabanayaa. Isla-sanakaas I-aad waxaa la yaraynayaa caafimaadka ay dadku u aadaan Dal-udug dibaddiisa 90%.

Barnaamijka aan ka leeyahay caafimaadka qudhiisa wuxuu lamid yahay midka aan ka leeyahay wax-barashada oo wuxuu ku abyoonayaa caafimaad bilaash ah.

Waan dareensanahay in dadka qaarkiis ay ku adag-tahay in ay fahmaan wax-barasho iyo caafimaad bilaash ah. Waxaan idiin sheegayaa in aanu ku soo koray hannaan dowladeed oo dugsiyadana ay ardaydu bilaash ku dhigtaan, isbitaalladuna ay bilaasha ku daweeyaan.

Xilli waxay ahayd ay Soomaalidu kana aqoon-yarayd, kana dhaqaale yarayd xilliga hadda aanu joogno. Gunnimada ay bulshadoodii badeen kuwa hoggaanka siyaasadeed haya ayaa u sabab ah in la han-jabo oo loo arko in ayan suuragal ahayn wax-barasho iyo caafimaad bilaash ah.

Suuragal marna noqonmayso in nolosha bulshada ay is-beddesho iyada oo labadaas adeeg ay ciriiri ku jiraan. Waxaa laga-yaabaa in aad is-weydiisaan su’aasha ah, Xaggee dhaqaalaha laga keenayaa?

Jawaabta oo waafi ah waxaanu ka heleynaa marka aanu gaarno qaabka uu u dhigan yahay barnaamijkayga dhaqaale. Dhallinyaro, aynu si ka duwan u fekerno.

Qore: Musharax Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media