Dil arxan darro ah oo ka dhacay Magaaladda Boosaaso (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2018 – Labo aqoonyahan oo dhalinyaro ahaa ayaa xalay si arxan darro loogu toogtay gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaana dilkaasi  uu walaac ku abuuray bulshada Magalaadda.

Labada wiil ee dhalinyarrada ah ee dilay waxay ahaayeen saaxiibo si weyn isugu dhawaa, islamarkaan dhawaan ka qalin jabiyay Jaamacadda Bariga Africa ee qeybteeda Boosaaso.

Alle ha u naxariistee magacyadda  labada Marxuun ayaa lagu kala sheegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir.

Ciidamada amaanka ayaa ku guul-daraystay inay gacanta ku dhigaan kooxaha dilka gaystay oo ku hubeysnaa bastoolado.

Illaa hadda la oga sababta ka dambeysa dilka dhalinyaraddan, waxaase si weyn uga naxay falkan toogashada dadwaynaha Magaaladda Boosaso iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media