Waa kuwee labada kooxood ee iskugu iman kara final-ka Champions League? Waxaa jawaabta haya Kylian Mbappe

0

(Paris) 14 Sebt 2018 – Kylian Mbappe ayaa sheegay in ay ‘uu sheegi karo final ay iskugu soo haraan Paris Saint-Germain-Juventus’ marka la eego dhanka Champions League.

Madaxwaynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa horay u sheegay in ay Juve tahay kooxda ugu adag ee ay wajahayaan dhanka Champions League, iyadoo uu Mbappe haatan u muuqdo mid taa ku raacsan.

“Guruubkeennu waa mid adag, balse waa dabciga Champions League. Kulanka Napoli waa mid adag waayo kooxaha Ancelotti waxay dheelaan kubad ku dhisan falsafad cad oo cadaadid badan, taageerayaal aan caadi ahayna waa leeyihiin,” ayuu Mbappe u sheegay Gazzetta delllo Sport.

“Ronaldo wax wayn buu kusoo kordhinayaa Juventus. Kooxda Bianconeri awalba ma ahayn koox qabyo ahayd, waxaana ka marag ah finals-kii ay ciyaartay sanadihii dhowaa, balse Juve way kusii adkaanaysaa Ronaldo. PSG-Juve Final? Haddaba taa waan qaadan lahaa.” ayuu yiri.

Hadalsame Media