Qof markasta ”mashquul” ihi ma jiree MUHIIM baanad u ahayn! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2018 – Ma jiro qof had iyo jeer “aad mashquul u ahi” – Waxa keliya oo ay ku xiran tahay sida aad muhiim ugu tahay.

Ka la maddaynta ahmiyadaha; ayaa wax walba sal u ah. Run ma aha in aan dadku wakhti kuu hayn – waa kuu hayaan, ee in ay wakhti ku siiyaan beysan rabin. Taas weligaa maskaxda ku hay.

Dadku had iyo jeer wakhti uma waayaan arrimaha muhiimka u ah noloshooda. Haddii aad ahmiyad u leedahay agtaada ka waayi meysid. Haddii kale – oo aadan muhiim u ahayn – waxa ay had iyo jeer ahaanayaan kuwo ‘mashquul’ ku ah waxyaabo kale. Waa sidaas oo go’an. 

Kolkaa, marka xiga oo qof kugu yiraahdo, “ waa ka xumahay. Aad baan mashquul u ahay usbuucaan,” xusuuso in hadalka ay ku yiraahdeen uu la mid yahay: “ waa ka xumahay, laakiin ahmiyadda aad ii leedahay ma gaarsiisna in aan wakhti kuu sameeyo.”

Qofka waxa ugu qiimo badan noloshiisa uguna qaalisan waa wakhtiga. Wakhtigu waa waxa keliya ee aynnaan iibsan Karin. Sidaa darteed, waa in aan ka faaiideysannaa oo hadiyaddaa qaaliga ah aynnaan ku lumin waxyaabo ama dad aan wax inoo ku oollayn. 

Kolkaa maxaad ugu lumineysaa wakhti iyo tamar qof sida muuqata aan dan kaa lahayn?

Marka aad qof xiriir la leedahay, labadiinnuba waa in aad waxyaabaha qaar tanaasul isugu samaysaan. Tanaasulkaas labadiinnuba in aad la timaaddaan ay tahay wuxuu noqon karaa waxa uu midkiinba ku qaadanayo wakhtigiisa.

Sababta oo ah, markaad qof wada socotaan, waa in aad wakhtigaaga la wadaagtaa lammaanahaaga. Waa in aad wakhti u heshaa qaaligaaga kale iyo xiriirkiinna. Wakhtiga hawshiisu ma sahlana, laakiin marka aad qof jeceshahay had iyo jeer waad maarayn kartaa, noloshaadana meel uu ku leeyahay waad uga samayn kartaa.

Taasi run ku ma aha xiriirka lammaanayaasha oo keliya ee waxa kale oo ay run ku tahay dhammaan dadka muhiimka kuu ah oo raba in ay noloshaada meel ku yeeshaan.

La soco qayb kale….

Hadalsame Media