FALANQAYN: Maxaa CR7 ka hor taagan inuu gool u dhaliyo kooxda Juventus?! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2018 – Weeraryahanka reer Portuqiis Cristiano Ronaldo ee dhawaan kuso biiray kooxda ugu tunka weyn horyalka dalka Talyaniga ee Juventus aya soo wajahday abaar dhanka gooldhalinta ah oo an hore loogu aqoon.

Hadaba caaqabadaha ka hortagan haleelida Shabaqa kooxaha kasoo hor jeeda maxay yihiin?

3- FARQIGA TAYO EE XIDDIGAHA KHADKA

Xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ayaa ah kuwo ka qaab ciyaareed duwan raggui uu Hore Ronaldo ula soo ciyaaray ee Real Madrid kuwaaso ahaa Kubbad qaabeyeyaal faraha ka xiran oo aad ugu wanaagsana abuuridda fursado goool ku dhalis misne qalqal galin jiray Difaaca kooxda ay weerarayaan, taaso masaaxooyin u abuureysay Ronaldo halka saaxiibadiisa Cusub ee Juventus aysan laheyn mid la mid ah Tayo iyo is faham wanaagsan oo ay Ronaldo ku quudiiyaan.

4 – KOOLKOOLIN LA’AN IYO LOOLANKI MESSI OO ANAN JIRIN

CR7 ayaa iMadrid aha nin heystay waxkasto oo u sahlayay in uu noqdo xiddigga uu haatan yahay sida koolkoolin iyo is garab taag dhan kasto ah si uu iskaga giijiyo Xafiiltankii adkaa ee kala dhexeyay Xiddiga ay dadka qaar u arkaan kan Dunida kubadda cagta ugu wanaagsanaa abid ee Leonel Messi.

Midkaas oo uu Ronaaldo jeclaa inu kula tartamo dhanka Goaldhalinta si saameyntisa kubbadda cagta sare ugu kacdo Waxa kaloo laga yaaba in saaxibadiisa Cusub ee Juventus  aysan kala jeclayn soo dhaweynta iyo fursad u abuurista Ronie, maadaama uu yahay nin koooxda ka qaadanaya Mushaar ka badan kan ay ayagu qataan halka saaxibadiisi hore ee Madrid ay hiil iyo hooba la garab tagnayen kubad kastana la raadin jireen si uu goaldhalinta ugu tartamo.

Ronaldo oo ah nin hadda ay da’du hareeyneyso ayaa waayihisa ciyaareed ee cusub ee Talyaaniga ku bilowday qaab liita marka loo eego weeeraryahan ahaan, dhamaan 5-ta horyaal ee Yurub ugu tayada sarreeysa, isagoo ku guuldareystay 3 kulan inu wax gool ah dhaliyo, waloow ay jirto inuu ilaa iyo 23 isku day (goal attempts) sameeyay, sidoo kale 15 jeer toogasho toos ah la beegsaday goolka (15 shots on Target), yeelkeede, weeraryahankan ayaa ah nin leh tayada iyo karti uu dib ugu soo ceshan karo bandhiggiisi goaldhalinta

DHAMAAD….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Muxyadiin Sheekh Dhoollayare

Hadalsame Media