DAAWO: Hargaysa oo HARRAAD ka cabanaysa!!

0

(Hargaysa) 14 Sebt 2018 – Magaalada Hargaysa ayaa ka cabanaysa biyo yari muddo dheer soo jiitamaysay oo halkaa ka taagan oo ay shacabka magaaladu dhibaatooyin badan ku qabaan.

Meelah qaar magaalada ka tirsan waxaaba ka taagan biyo la’aan caadi ah, sida degmada Axmed Dhagax, dadka degmadaa ku nool ayaana eedda dul saaray maareeyaha wakaaladda biyuhu uu ku fashilmay inuu waraabiyo magaalada oo dhan.

Dadka ayaa aaminsan in ay jirto maamul xumo iyo musuq ee haddii loo koco biyaha la gaarsiin karo magaalada oo idil, iyagoo sheegaya in lacago badan lagu cunay mashaariicda biyaha.

Waxaa kale oo jirey mashaariic ay waddey EU-da oo aan weli dhamaystirmin ama aan mira dhalin, iyadoo xaafado badan oo magaalada ka tirsani ku tiirsan yihiin booyado iyo gaari dameerro biyaha gaarsiiya.

Halkan hoose ka daawo muuqaal uu ka sameeyay hilinka Eryal.

Hadalsame Media