Boqorkii TUUGGA ahaa ee uu dubaabku galay!! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2018 – Kaddibna dadkii ayaan ku amray in boqorka dahab iyo lacag loo keeno, dadkii oo dhan baa gurigeyga saf u soo galeen si ay dahab iyo lacag iigu keenaan. Gurigiiba dahab iyo lacag ayaa buux dhaafiyeen. Wiilkii waxaan ka dhigtay waardiyaha gaarka ah, waayo in uu wax iga xado ayaan ka baqayey, anigana inta dahab badan sariirteyda ka buuxiyey ayaan barkaday.

Markii aan dhawr sanadood boqor ahaa Kenya iyo Itoobiya ayaa ka caroodeen sida ay iigu gashay ee dadkeygana isugu key aaddan yihiin. Kenyaanka iyo amxaarada waxaa ay go’aansadeen in ay boqortooyadeyda soo weeraraan, anigana waxaan go’aansaday in aan iska difaaco.

Wiilkii waardiyaha ayaan ku iri “Talo keen boqortooyada lagu difaaco, markaas ayuu ii keenay Bambooyin sida farganka loo tuurayo balse xadduudda ka gudbi kara oo dheereeya.

Agteyda ayaan soo dhoobtay bambooyinkii. Markii ay amxaaro ama Kenyaan i soo maagaanba bambo ayaan farganka gashtaa oo ku tuuraa markaas ayey Kenya ku dhacdaa oo askar ka leysaa, marna kuwa amxaarada ayaan ku tuuraa oo boqolaal askar ah ka dishaa. Aniga oo sidii u dagaalamaya ayaan tuuray bambo aad u weyn, kaddibna inta agteyda ku dhacday ayey hoosteyda ku qaraxday oo qaraxeedii ayay firirro iga soo gaareen, aad ayaan u naxay oo hurdadii ayaan aniga oo naxsan ka toosay.

Misena Dahabka aan uruursaday oo dhan waa xaarkeyga, Eebbow na furo!
Inta sariirtii oo dhan xaar ka buuxiyey, misena xaarkii uruuriyay oo isugu geeyey meeshii ay barkinta ii taallay ayaan qeybna barkaday, qeybna waxaan ka dhigtay bambooyinkii aan tuurayey oo derbiyadii qolka oo dhan ayaan xaarkii la dhacay.

Sariirtii wuu ii dul karuuran yahay, aniga tin illaa cirib waan ku galgashay oo waa wada xaar, Ilaahey kuuma darnaadee waxa madaxa iigu jira ee uu Dubaabka Taajka iiga dhigayna waa kastuumadeydii, goor aan siibay oo aan madaxa gashadayba ma ogi, dadka aan la hadlayey ee i hordhooban waa kabaheygii oo aan meesha soo safay, goor aan safay ma aqaan, wiilka aan adeejinayey ee waardiyaha ii ah waa barkinteydii.

Qolkii oo dhan baan xaar mooyee meel fayoobi jirin. Meel aan ku xaaray iyo meel aan ku firdhiyey ayaan ka dhigay oo waa tii aan amxaarada kula dagaalayey isaga oo banbooyin ah.

Qolkeygii jiifka bullaacad ayaan u rogay, ballo! Waxaa iiga sii daran inta hurdo ku daahay ayey reerkii guriga aan la degganaa iga soo hor kaakaceen, Islaanta guriga leh waa qaylisoy, haddii ay aragto sida aan wax yeelay isla markaas ayey iga saareysaa amaba waxaa ay u qaadaneysaa in aan waashay oo reerkeygii bey waceysaa, markaas ayaan casbi iyo shiix dartood maalintii oo dhan urkii qolka u dhex jiifay, irridna ma soo furin illaa duhuradii laga gaaray ee Islaantu ay xaafado kale u sheeko doonatay.

Inta saxardii iska tirtiray, Musqusha galay, soo qubeystay ayaan gurigii ka soo dhuuntay. Qolkii waan soo xiray. Habeenkii xalay ahaa gurigeyga uma hoyan oo waxaan is iri waa intaas oo la dareemaye ceebtaada meesha ha isku tagin.

Xalay oo dhan waan soo jeeday oo derbi ayaan fadhiyey, caawana meel aan hurdo ma heysto, haddii aan asxaabteyda u tagi lahaana waxaan ka baqayaa in marka aan hurdo uu dubaab i galo oo aan gogosha islaameed halleeyo.

DHAMAAD

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

Hadalsame Media