Andrea Pirlo oo qish ka bixiyay halka uu ku dambayn karo Paul Pogba

0

(Roma) 14 Sebt 2018 – Cabqariga kubad qaabaynta ku dheereeyay ee Andrea Pirlo ayaa qiray in ‘aysan la yaab ku noqon doonin’ haddii uu Paul Pogba dib ugu laabto Juventus oo uu kasoo tago Manchester United.

Pogba ayaa ka garab ciyaaray Pirlo oo Juve wada joogeen min 2012 ilaa 2015, iyagoo wada qaaday 3 Scudetti, kahor intaanu wiilka Faransiiska ihi dib ugu laaban kooxda Manchester United oo ka bixisay €110m, wuxuuna Pirlo ka hadlay ku biiristiisii Bianconeri isagoo xor ah.

“Markii uu Fabio] Paratici ii sheegay inay i doonayaan, waan u mahad celiyay isaga, Marotta iyo madaxwayne Agnelli, balse wax daltabyo ihi iguma jiraan, waayo nasiib baan lahaa inaan horayba qolka lebbiska ula soo wadaago xiddigo waawayn.” ayuu yiri Pirlo.

“Pogba? La yaabi maayo haddii uu soo laabto, waayo Juventus waxay raadinaysaa laacibiinta ugu fiican, haddii uu laacib tagana, lama dhihin sooma laaban karo.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media