MUQDISHO OO MUGDI AH: Baallayaashii soollarka ku shaqaynayay oo la FUQSADAY!! + Sawirro (Arrin weji gabax ku ah dadka Muqdisho)

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2018 – Warsidaha Hadalsame ayaa u kuur galay xaaladda baallayaasha nalalka ee soollarka ku shaqeeya ee loogu tala galay inay ifiyaan jidadka Muqdisho.

Waxaana caddaatay in gebi ahaanba ay dansan yihiin jidadka dhaadheer ee Soddonka iyo Wershadaha, ka gadaal markii laga fuqsaday soollarkii dul saarnaa, isla markaana laga degsadey beteriyaashii loogu tala galay inay dabka kaydiyaan. Meelaha qaar waxaaba la qaatay baallihii oo dhan oo waxaa meesha ka muuqda shubkii fadhigga u ahaa oo qura.

Arrintan oo muujinaysa sida uu u baaba’san yahay qiyamka iyo dareenka danta guud ayaa waxaa marka tuugada sidaa yeeshay laga soo tago ka daran in baallayaasha aad ku arkayso sharikaad isku xayaysiinaya, iyadoo uu meesha kaliya suran yahay baallihii oo qali ah, taasoo ka dhigan inaan wax dan ah laga gelin ujeedkii guud ee ahaa inuu jidka ifiyo, balse misna dano gaar ah lagu fushanayo kaddib markii ay meesha ka baxday dantii guud.

Arrintan ayaa dowladda oo laga rabo inay arrintan wax ka qabato ka sokoow, weji gabax ku ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay arrintani qaab wadareed u saamaynayso, iyadoo loo sawiranayo inay yihiin dad bahallo ah oo sidii aboorkii kaliya fuqsanaya wax kasta oo ay u arki lahaayeen horumar usoo kordhay, waxaana dadka waxgaradka ah ka saaran waajibaad akhlaaqi ah in la ilaaliyo danta guud oo haddii ay meesha ka baxdo aan mid gaar ahna la calfan doonin.

Hadalsame Media