MARNA HA QUUSANIN balse la imoow qorshe guuleed!

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2018 – Qofka hadii uu maalin doono inuu meel sare gaaro Waxaa khasab ah wadadeeda inuu qaado isagooo ka dhiganaya hubkiisa ugu wanaagsan go’aanka, xasuusnow hadii aad Alle talo saarato oo hadafkaada aad u dagaalantid inaad ugu dambayn aad gaareysid.

Haka cabanin dadka gadaal kaa duraya ee ku niyad jebinaya riyadaadana ka kormari xidigaha sare ahawna mid hamad sare leh.

Si aad u heshid miro wanaagsan Ha is dhiibin hadii ay caqabad kuusoo muuqato Maxaa yeeelay daruuraha madow gadaashooda ayuu roobku kasooo da’aa.

IILAAHAY talo saaro xili walba waxaad helaysaa gargaarkiisa sugan oo soo muuqday,ogowna Cabsida ILLAAHAY ayaa ah wadada lagu bad baado.

Rajee rajee rajo wanaagsan marnaba ha is dhiibin qadartana aamin mar walba rajada ka dhig wadada noloshaada xitaa hadiii ay noloshu ku khilaaafto.

Guusha miyaad doneysaaa adigoon diyaar u ahayn?

Si aaad u ahaatid mid hurdada ka kaca ilaa uu ka gaaaro hadafkiisa isticmaal go’aaankaaga si aad ula dagaalantid culeysyada maxaaa yeeelay go’aankaagu wuxuu bur burin karaa birta adag.

Kasoo dhex iftiiin shaqadaada noqona mid cajiib ah marna ha is dhiibin noqo mid ku kalsooon waxa uu qabanaayo.

Dhoola cadee kana tag welwelka iyo walbahaarka ha u ogolaan dhacdooyinka nolasha in ay murugo kuu sameeyaan.

waa kuma kan rajaynaya inuuu helo nolol fiican?????

Rajeeee waad heli dooontaa raad wanaagsan Insha allah.

Qalinkii: Farxaan Guutaale

Hadalsame Media