3 qodob oo soo koobaya quusta iyo rajo xummada haysa madaxda maamullada

0

(Kismaayo) 05 Sebt 2018 – Shir ay ku sheegeen wadatashi iyo iskaashi ayaa shalay magaalada Kismaayo uga furmay hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada dalka.

Shirkan oo ay marti-galisay maamulka Jubbaland oo Kismaayo un ka taliya ayaa si weyn loogu dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada madaxda ay sheegeen in ay farogalin ku hayso siyaasadda dowlad gobolleedyada.

Shirkaas oo uu ka qeyb galay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia Michael Keating oo uu hadda xilkiisii dhammaaday, ayaa waxaa laga dheehan karaa wajiyada hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa Kismaayo rajo xumo, niyad jab iyo quus oo ay sabab u yihiin saddexdan qodob ee hoos ku xusan.

1 – Inta badan hoggaamiyeyaashii madasha joogay oo uu waqtiga ka dhammaaday, islamarkaana wajahaya dib u doorasho, quusna ka jooga soo laabashadooda

Hoggaamiyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed dhammaan waxaa ka dhammaaday mudaddii ay xilka hayeen, waxaana si xawli ah uga socda deegaanadooda ol’ole.

Ma jirto mid u muuqda in uu soo laabanayo, niyad jabkaas waxa uu keenay in ay hadhkooda ka cararaan oo ay dowladda dhexe ku eedeeyaan waji gabaxa ay kala kulmayaan gudaha deegaankooda.

2 – Michael Keating oo watigiisii dhammaaday

Arrintan waxa ay warran laabta kaga taagan ku tahay hoggaamiyeyaasha dowlad obolleedyada oo u arkayey inuu u dabacsanaa cabashadooda dasturka baal marsan.

Walaaca ugu weyn ee ay qabaan waa ninka lagu bedeli doono oo haddii ayba sii joogaan noqon doona mid aan aqoon gaar ah u lahayn ayna adkaan doonto in uu ula macaamilo sidii Keating oo shaqadan hayey ka hor inta aysan dowladda talada dalka ku imaan doorashadii 2017.

3 – Is-beddelka Itoobiya ka dhacay oo saameyn weyn ku yeeshay hagardaamadii ay ku hayeen dowladnimada Soomaaliya.

Ka hor inta uusan is-beddel ka dhicin Itoobiya, waxaa dhaqan iyo caado u ahaa madaxda maamul gobolleedyada haba ugu darnaadeen Gaas iyo Madoobe, waxa ay bil walba u dusi jireen Addis Ababa, iyaga oo aan ka wargalin dowladda dhexe, taas oo meel ka dhac ku ahayd qarannimada dalka.

Hase ahaatee, Axmed Madoobe oo dhawaan fool xumo kala soo kulmay dowladda Itoobiya kadib markii uu isku dayey in uu faraha la galo siyaasadda gudaha ee dalkaas, waxa ay u quus goysay hammigoodii ahaa in ay dowladda ku guul guulaan kulana xifaaltamaan awoodaha dowladaha deriska ah.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad

Hadalsame Media