Patrick Cutrone oo isagoo yar noqday ”ciyaar dile” (Maxaa dhacay?)

0

(Milano) 01 Sebt 2018 – Kooxda AC Milan ayaa xalaytoole ciyaar aad u xiise badnayd oo ka dhacday San Siro ku kasbatay 3-dii dhibcood ee ugu horreeysey sanad-ciyaareedka 2018-19, kaddib markii kulankeedii 1-aad la baajiyay, kii labaadna laga badiyay.

Haddaba, Patrick Cutrone oo xalay goolka dhaliyay isla daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayaanay u ahayn markii ugu horreeysey ee uu 20-jirkani dhaliyo gool sidaa usoo daahay oo weliba guul ah ciyaarta ku dilo, tiiyoo ay jirto inuu laba kulan kaydka kasoo istaagey.

Sebtember 28, 2017: Cutrone wuxuu goolka guusha daqiiqaddii 94-aad ka dhaliyay kooxda Rijeka oo ay 3-2 uga badiyeen kulan ka tirsanaa EL.

Disember 27, 2017: Cutrone wuxuu goolka guusha daqiiqaddii 104-aad ee xilliga dheeriga ah ka dhaliyay kooxda Inter Milan, kulan ay Milan sanadkii hore ugusoo baxday nus-dhamaadka Coppa Italia oo ay 1-0 ku badisay.

Agoosto 31, 2018: Cutrone wuxuu habeenkii xalay uu goolka guusha dhaliyay daqiiqaddii 95-aad, ciyaarii ay Milan 2-1 uga badisay AS Roma.

Hadalsame Media