Dagaal ka dhacay Afgooye

0

(Muqdisho) 31 Agoosto 2018 – Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay Magaaladda Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose waxaana la sheegayaa inay jiraan khasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab saddex jiho ka weerareen Magaaladda Afgoye.

Dadka shacabka ah ayaa sheegay in mar-qura ay ku soo kaceen dhawaaqa rasaas culus.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si adag isaga difaaceen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, hase ahaatee lama oga inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Hadalsame Media