FALANQAYN: Cudurka halista ah ee haya Ivan Strinic oo la SHARRAXAY (Ka faa’iidayso)

0

(Torino) 20 Agoosto 2018 – Warsidaha Tuttosport ayaa qoraya kaddib markii ay waraysi la yeesheen Bruno Carù, oo ku xeel dheer arrimaha wadnaha iyo dawooyinka isboortiga waxay falanqeeyeen xaaladda caafimaad ee daafaca Ivan Strinic oo ka tirsan kooxda AC Milan, oo ay wadnaha ka hayso bugtada hypertrophy oo bilow ah.

“Si loo fahmo nooca hypertrophy haya Strinic waxaa loo baahan yahay inuu nasto 3-4 bilood, waqti taa ka yari micne samayn maayo, haddii aanu laacibku baaritaan kale marin afarta todobaad ee soo aaddan.” ayuu you yiri Carù.

”Waxaa jira laba kiis. Midda ugu darani waa hypertorphic cardiomyopathy. Waa dhibaato lagu dhasho oo sii kordhi karta markii la waynaado, waa middii ku dhacday laacibka dabaasha Olomkida ku guulaystey, Domenico Fioravanti.

”Midda kale oo tan ka yara sahlani waa physiological hypertrophy. Waxay ku dhici kartaa dadka shaqo jireed badan qabta. Waana sababta nasiinada loo door bidayo, waayo waxaa jilcaya gidaarrada adkaaday ee qaybta left ventricle oo ah qaybta dhiigga ogsijiinka leh ku habta nudayaasha jirka.

”Maaddaama haatan nasiino loo qoray waxaa muuqata inaysan dhibaatadu ahayn mid uu ku dhashay, sidoo kale maaddaama uu laacibkani 3 sano joogey Talyaaniga oo si joogto ah loo baari jirey waxaa muuqata inuu qabo physiological hypertrophy,” ayuu ku dooday Carù, oo sheegay in bugtadan oo lagu ogaan karo electrocardiogram si kama dambayn ah loo dawayn karo.

Hadalsame Media