COD SIR AH: Omarosa oo markale ceebaysay Donald Trump + Video (Laaluush loo bandhigay)

0

(Washington, DC) 20 Agoosto 2018 – Omarosa Manigault Newman ayaa mar kale saxaafadda siisay cod sir ah oo ay ka duubtay  Lara Trump, xaaska wiilka Donald Trump ee Eric, oo ka wada hadlaya shaqo laaluush oo kale ah oo ay u bandhigayaan haweenaydan oo horay looga soo eryey Aqalka Cad.

Manigault Newman oo qoreeysa buug ay ugu magac dartay, “Unhinged: An Insider’s Account of the Trump White House,” ayaa sheegtay inay diiddey shaqo ay usoo bandhigtay gabadha uu sodogga u yahay madaxwaynaha Maraykanka oo ah $15,000 bishii, taasoo ah qorshe ”lagu iibsanayo aamuskeeda”.

Manigault Newman ayaa MSNBC oo waraysatay u sheegtay in ay “sida cad” ay lacagtan u aragtay laaluush ”lagu aamuninayo”, iyadoo sheegtay in laga codsaday in ay ku soo biirto ololaha Trump oo aysan saxaafadda siinnin wax war ah oo ka dhan ah Trump.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media