AC Milan oo maalinta ugu dambaysa suuq-xagaaga isku dayaysa Adrien Rabiot iyo Sergej Milinkovic-Savic

0

(Milano) 17 Agoosto 2018 – Labada burjaawi ee haatan xarigga u haya maamulka cusub ee AC Milan ee Leonardo de Araujo iyo Paolo Maldini, waxay u muuqdaan laba nin oo aan nasan doonin ilaa daqiiqadda ugu dambaysa ee suuq-xagaaga Talyaaniga oo caawa fiidkii xirmaya, iyagoo xalay xitaa ku dhex casheeyay xafiisyada Casa Milan.

Maamulka Rossonero ayaa ku tala jira inay kooxda kusoo kordhiyaan ugu yaraan hal khad dhexe oo dabaqad sare ah, si ay u dhamaystiraan kacaanka Elliott ee bilowday 20-kii Luulyo, sida ku qoran La Gazzetta dello Sport writes, kaddib Castillejo iyp Laxalt … Waxay beegsanayaan 2 magac: Adrien Rabiot iyo Sergej Milinkovic-Savic.

INDHAHA OO HAYA RABIOT – Waa howl adag, oo waaqici ahaan mustaxiil u eg, balse Milan waxay hollinaysaa helitaanka laacibkan oo uu qandaraaskiisu dhacayo sanad kaddib, waxaana lagu kari waayay qandaraas cusub, iyadoo uu macallin Tuchel caddeeyay war u eg inay ka quusteen arrintaasi, waana arrin soo jiidanaysa kooxaha waawayn ee Yurub ee ku dagaallamaya adeegga laacibka, sida Milan.

RIYADA MILINKOVIC – Jidku waa adag yahay dhanka Rabiot, Milinkovic isagu waaba kasii xag jiraa, marka la eego xaqiiqooyinka ku xeeran. Runtii Milan waa isku dayday, sida ku dhigan hadal sidaha Gazzetta, 30 milyan oo ay horay ka bixinayso iyo 50 milyan oo ay dheer yihiin laba laacib.

Jawaabta Lotito? Maya mahadsanidiin! Yeelkeede, sheekadu halkaa kuma harin, waayo kooxda Aldo Rossi, kaddib xukunkii maxkamadda TAS ee lagu go’aamiyay Lausanne, waxay haysataa fursad ay ku adeegato. Waxayna markan kaddib Higuain ku tala jirtaa inay hesho laacib ama laacibiin heer sare ah oo horay u qaadi kara tayada howleed ee kooxda.

Waqtigu ma dheera, oo waa ilaa caawa fiidkii iyo furdaddii soo baxda.

Hadalsame Media