RASMI: Diego Laxalt & Samu Castillejo oo ku biiray AC Milan & Saacadda galabta lasoo bandhigayo + Sawirro

0

(Milano) 17 Agoosto 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtey garabka bidix ee reer Uruguay ee Diego Laxalt kaasoo ay kasoo qaateen Genoa oo ay siiyeen €18m. Laacibkan 24-jirka ah ayaa caafimaadka shalay maray, isagoo durba tababarka bilaabay.

Halkan ka dheeho sawirrada…

Laxalt, ayaa waayihiisa Serie A ku bilaabay kooxda Inter sanaddii 2013, isagoo 8 gool u dhaliyay 12 goolna dhigay 117 kulan oo uu u saftay Genoa.

Laacibkan ayaa markii dadabka bidix ee daafaca laga yimaaddo sidoo kale ka dheeli kara nus-garab dhexe, dadabka bidix ee khadka dhexe iyo nus-garab weerar ah.

Dhanka kale, AC Milan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday saxiixa laacibka garab weerarka ah ee Samu Castillejo oo ah laacib kubadda ku dheela bidixda, kaasoo ay kasoo qaateen  Villarreal oo ay ka siiyeen 18m + Carlos Bacca oo dhanka kale aadey, isagoo u dhaliyay 11 gool iyo 15 gool oo uu dhigay 127 kulan oo oo u saftay.

Kooxda  Rossoneri ayaa laacibkan 23-jirka ah galabta lasoo bandhigaysa labada saxiix ee kale ee Diego Laxalt iyo Tiemoue Bakayoko, iyadoo lagusoo bandhigayo rugta Milan ee Casa Milan, Via Aldo Rossi 8 Jimcaha, Agoosto 17, 3:00 galabnimo, waxaana shirkaa jaraa’id laga daawan karaa Milan TV waxaana iyadoo Talyaani ah lagala soconayaa Facebook, halka Youtuba laga baahin doono iyadoo af-Ingiriisi ah.

Hadalsame Media