Kaddib hoos u dhicii Liiraha Turkiga oo dhanka Dahabka u bayray!

0

(Ankara) 16 Agoosto 2018 – Muranka diblomaasiyadeed ee ka dhex qarxey Ankara iyo Washington ayaa culays badan saaray Liiraha Turkiga, waxayna taasi furtay wajhad cusub oo ah in loo leexdo dhanka birta qaaliga ah ee dahabka oo taariikhiyan wax lagu iibsan jirey.

Sicirka dahabka ayaa sare u kacay dhanka suuqa saamiyada Turkiga, kaddib markii uu hoobtay qiimihii Liiraha Turkigu, isagoo laba laabmay marka celcelis ahaan la qiimeeyo 90-kii cisho ee ugu dambeeyay.

Qandaraasyada dahabka lagu saleeyay ayaa gaarey 40,000 iyagoo 17,000 oo qura ahaa bishii Maarso, sidoo kale qiimaha halkii ounce oo dahab ah ayaa kordhay 50%.

Turkey ayaa ah dalka 7-aad ee dunida ugu dahab isticmaalka badan, isagoo sanadkii soo iibsada 72 mitrik tan oo dahab, wuxuu sidoo kale aad u iibsadaa waxyaabaha kale ee la isku qurxiyo, sida luulka, dheemanka, qalinka iwm.

Hadalsame Media