DAAWO: Hoteelka adduunka ugu wanaagsani wuxuu ku yaallaa meel aadan ka filanaynin + Sawirro

0

(Yalta) 16 Agoosto 2018 – Hoteel Ruushka ku yaalla oo la yiraahdo Mriya Resort & Spa oo ku yaalla Crimea oo uu Ruushku dhowaan ka goostay dalka Ukraine ayaa loo magacaabay hoteelka dunida ugu wanaagsan, sida ay qabto World Travel Awards.

Mriya Resort & Spa oo ah goob dalxiis ayaa abaalmarintan helay markii ugu horreeysey, waxaana la tartamayay Atlantis The Palm oo ku yaalla Dubai, Casa de Campo oo ku yaalla gasiiradda Dominican Republic, Forte Village Resort oo Talyaaniga ah iyo Hyatt Regency Sharm El Sheikh Resort oo Masar ah.

Hoteelkan oo 30 km u jira magaalada Yalta, ayaa wuxuu ka kooban yahay 422 qol iyo fillooyin wuxuuna ku fadhiyaa dhul ballaaran oo dhan 270,000 oo mitir oo dhan kasta ah, waxaana sanadkii hore booqday in ka badan 100,000 oo qof, isagoo 83% sariirihiisa la iibsadey, sida uu sheegay agaasimaha guud Grant Babasyan oo la hadlay maalinlaha Vedomosti.

Hoteelkan ayaa sida ku cad Booking.com waxaa qolkii habeenkii lagu seexdaa $230 doollar, waxaana iska leh Bankiga ugu wayn Ruushka ee Sberbank oo ku kharash gareeyay $300 milyan oo doollar, waana milkiilaha qura.

Hadalsame Media