ISKA JIR: Baro 10-ka garoon ee ugu HALISAN caalamka (Qaybtii 1-aad?)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2018 – Waxaa dunida ku yaalla waxyaabo cajiib ah oo ku yaalla meel aan ku qaab samayn ama juqraafi ahaan halisteeda leh, sida 10-ka garoon ee lagu tilmaamo kuwa ugu halisan caalamka.

8 – Toncuntin Airport, Tegucigalpa, Honduras

Maaddaama la isku raacsan yahay inay dhib badan yihiin garoomada ku dhex yaalla buuraha oo aalaaba dhulka kale ka duwan, goolado gaagabanna leh, garoonkan waa inay dayuuraddu weecataa xagal 45 digrii ah, si ay isugu qaabayso dooxo hoose oo garoonka ku beegan, marka ay duulayaan dayuuraduhu waa inay buurta raacaan marka ay dhaafaanna waa inay misna hoos usoo dhacaan joog ahaan.

9 – Chourcevel Airport, France

Marka laga soo tago inuu jidkani uusan sinnayn taasoo dhimaysa xawaare qaadashada dayuuradda, xilliyada qaarna uu baraf yaallo, dayuuraddu marka dambe waxay ka dhacdaa meel qar ah, iyadoo rajaynaysa inay sidaa hawada ku gasho, kaaga darane wuxuu garoonku ku yaallaa buuraleeyda Alps, taasoo duuliyaha ku khasbaysa inuu raaco dooxo cariiri ah oo buuraha u dhaxaysa. Nasiib wacan!

10 – Lukla Airport, Nepal

Waxyaabaha adkaynaya in garoonkan laga dego waa isaga oo ku dhex yaalla buuraleeyda Everest, kaaga darane waxaa aad u yar oo cariiri ah dhabbaha lagu cararo, waxaa dheer inuusan lahayn taraafikada hawada.

La soco qayb kale….

Hadalsame Media