War hor leh oo kusoo kordhay xaaladda caafimaad ee Ronaldo

0

(Ibiza) 14 Agoosto 2018 – Qannaaskii caanka ahaa ee Ronaldo Luiz ayaa haatan la sheegayaa in lagasoo saaray isbitaalkii uu kaga jirey magaala dalxiiska Ibiza ee dalkaasi Spain, kaddib markii uu dhul dhigtay cudurka Qaar Jeexa (pneumonia).

Laacibkii hore ee reer Brazil iyo kooxo badan oo caalami ah, ayaa Jimcihii la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Ibiza, kaasoo mid kale loo sii dhaafiyay, iyadoo markii dambe la geeyay qaybta Daryeelka Gaarka ah ee Policlinical Nuestra Senora del Rosario.

Il Fenomeno ayaa haatan taageerayaasha u sheegay inuu roon yahay, waxaana haatan laga saaray isbitaalkii, isagoo ka baxay iridda dambe si uu ugu gooyo warbaahinta iyo taageerayaasha, wuxuuna haatan ku nasanayaa guri uu ku leeyahay gasiiraddaasi.

Hadalsame Media