Turkiga oo Maraykanka ku dhufanaya meel xanuujinaysa! (Waa halkee?)

0

(Ankara) 14 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu qaadici doono qalabka elektaroonnigga ah ee uu Maraykanku soo saaro, wax jawaab u ah cadaadiska dhaqaale ee ay Washington saartay Ankara kaddib xiritaankii wadaadka Masiixiga ah ee reer Maraykan.

“Waxaa jira dagaal dhaqaale oo lagu qaaday Turki, awal waxani waa qarsoonaayeen, balse iminka waa mid furan oo naloo caddaystay. Waxaan uga fal celinaynaa laba qaab; Siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan,” ayuu yiri Erdogan oo in yar ka Ankara ka hadlayay.

“Wasaaradeheenna Maaliyadda iyo Lacagta ayaa haatan habeen iyo maalin shaqaynaya… waxaannu qaaddici doonnaa badeecooyinka elektaroonigga ah ee nooga yimaada Maraykanka. Waxay qabaan iPhones, balse dhanka kale waxaa jira Samsungs. Waxaan kaloo leenahay midka aannu annagu samaysanno ee Venus Vestel, waana isticmaali doonnaa,” ayuu yiri madaxwaynaha Turkigu.

Isla markii uu warkaa yiri waxaa aad sare ugu kacay saamiyada hay’adda telefoonnada sameeysa ee Turkish-ka ah ee Venus Vestel.

Hadalsame Media