RASMI: Steven Nzonzi oo ku biiray kooxda AS Roma + Sawirro

0

(Roma) 14 Agoosto 2018 – Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah ula wareegtey laacibka khadka dhexe ee Steven Nzonzi kaasoo ay Sevilla ugasoo qaadatay €26.65m oo lagu daray €4m oo bareemiyo ah, iyagoo la galay qandaraas taxnaanaya ilaa Juun 2022.

Laacibkan 29-jirka ah ayaa caafimaadka ku maray Villa Stuart kaddib markii ay labada dhinac xalay ku heshiiyeen tibxaha heshiiska.

War rasmi ah oo ay soo dirtay Giallorossi ayay ku xaqiijisay heshiiska, iyadoo uu Nzonzi yahay laacib ka tirsanaa xulkii Faransiiska ee hantay KA2018.