Rag hubeysanaa oo lagu qabtay duleedka Muqdisho. (Faahfaahin)

0

(Mogadishu) 14 Agoosto 2018 – Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya ayaa qabtay ugu yaraan 5 nin oo hubeysanaa kuwaas oo la xariirinayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Raggaan ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamadu ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Calamada ee duleedka Koofureed ee Caasimada Muqdisho, xalay fiidkii.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya gaar ahaan wakaaladda wararka ee SONNA oo warkaan baahisey maanta oo Talaado ah ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga la qabtay uu ku dhaawacmay iska hor’imaad dhexmaray raggaan iyo ciidanka dowladda.

Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay gaari ay wateen ragga la qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalsame Media si dhab ah uma xaqiijin karo sheegashadaan.

Hadalsame Media