MAQAAL: Todobada qodob ee koobaya tala xumada MUCAARADKA Somalia!

0

(Hadalsame) 14 Agoosto 2018 – Tan iyo 1978-kii dowlad kasta oo Soomaaliyeed waxay la kulmaysay mucaaradad mukharrib ah oo uu ujeedkiisu yahay kursi doon iyo maslaxo gaar ah, haddaba arag 6 qodob oo muujinaya inaysan Somalia lahayn mucaarad moowduuci ah.

1 – Waloow ay sheegtaan xisbiyo qaran misna mucaaraddoodu waxay ku egtahay Muqdisho iyagoo diiradda saara kaliya wixii ay Xamar ka dhaca, taasoo muujinaysa inaysan fahamsanayn inay naqdin karaan wax kasta oo dalka ka dhaca, sidoo kale, sharciga aad bay ugu tuntaan balse waxay dowladda ku eedeeyaan inaysan xeerkii ilaanin.

2 – Mucaaraddoodu ma aha mid moowduuci ah oo sheegta wixii khaldan, wixii sax ahna ku amaanta dowladda, tusaale ahaan, shirkii Brusells oo aan cidina Soomaali wax ku siinaynin, waxay ka daba qoreen waraaq dheer oo wada eed ah, si ay u fashiliyaan danaha Soomaaliyeed.

3 – Mucaaraddoodu ma aha mid ku dhisan mabda’, hadaf qaran iyo aragti higsanaysa hiraal u muuqda oo dalka iyo dadka lagu gaarsiinayo nolol ka fiican midda hadda taagan, ee waxay kaliya ku dhisan tahay kursi raadsi iyo dano khaas ah.

4 – Mucaaraddoodu waa fal-celin uun, balse ma laha saadin ay kaga digaan wax dhici kara ama dhib soo socda, weliba fal-celintoodu waa mid dooqan oo kaliya ku aaddan wixii hal meel ka dhaca, tusaale ahaan, kama hadlaan tacaddiyada loo gaysto shacabka Soomaaliyeed ee ay gaysanayaan dalalka deriska iwm, sidoo kale kama hadlaan marka ay maamul-goboleedyadu sharciga dalka ku tumanayaan. Eeg qodobka 1-aad.

5 – Ma laha hadaf midaysan, tusaale ahaan, haddii midkood xil loo magacaabo wuxuu safka uga baxayaa intii kale, ama ka darane, haddii ay arkaan inuu midkood aad u muuqdo, waxaa safka uga baxa kuwa kale oo liifadda u gaabiya, maaddaama aysan jirin dan la wadaago ee ay sheekadu ku dhisan tahay ”geel jire geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa”.

6 – Arki maysid mar ay dowladda ku taageerayaan wax wanaagsan oo ay qabatay, waayo mucaaradka dal kasta marka uu moowduuci yahay, waxaa jira wax badan oo uu dowladda markaa jirta ku raaco, kuwani xitaa haddii ay arrintu tahay wax ka dhexeeya Somalia iyo dal kale oo qalaad, waxba kuma aha inay la saftaan dalkaa shisheeye, tusaale, arag sida ay ula safteen Imaaraatka.

7 – Xisbi kasta waa kursi iyo miis iyo hal nin, ee ma jiro haykal, abaabul iyo wax qaab urur leh oo u dhisan sidii lagu arki jirey xisbi siyaasi ah, marka hal-beeg laga dhigto kuwa dunida ka jira, inta badan xisbigaas oo u shaqeeya qaab NGO waxaa iska leh hal nin.

Intaa oo idil iyo kuwa kale markii aad eegto waxaad ogaanaysaa inaysan jirin mucaaradad heer qaran ah oo ilaalinaysa danta guud ee dadka iyo dalka, balse ay jirto mucaaradad aragti qaaban oo ku dhisan soo ridista ninka geedka saaran iyo gaarista dano gaaban oo gaar ah.

Qore: Ismaaciil Geeddi

AFEEF: Maqaalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media