(Muqdisho) 14 Agoosto 2018 Howlka wayn ee Pizza House ayaa lagu samayn doonaa qorya tuurka heerka guruubyada koobka degmooyinka gobolka Banaadir
Sida qorshaha uu yahay guud ahaan 17-ka degmo ayaa ka qayb qaadan doona tartanka,waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Banaadir.
Saacadda markii ay tahay 3:30 ayuu qorya tuurku galabta ka dhici doonaa Pizza House.
Masuuliyiin iyo Ciyaartooy hore ayaa qayb ka noqon doona qoryo tuurka tartanka.
Afar guruub ayaa loo qaybin doonaa degmooyinka, waxaana koobkan difaacanaysa degmada Waabari.
Hadalsame Media