Gaari lagu dhuftay dhismaha Baarlamaanka Ingiriiska (Tafaasiil)

0

(Mogadishu) 14 Agoosto 2018 Booliska Magaaladda London ayaa sheegay in la xiray hal ruux kadib weerar baabuur loo isticmaalay oo lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ee dalkaasi.

Argagax iyo kala carar ayaa ka dhashay markii nin waday gaari midabkiisu qalan ahaa kuna socday xawaare sare uu beegsaday dhismaha Baarlamaanka ee kuyaala deegaanka Westminster ee Magaaladda London, Booliska ayaa sidaasi sheegay maanta oo Talaada ah.

Waxaa ku dhintay hal ruux oo haweeney ah halka tiro kale oo dad ah oo wadada marey  dhaawacmeen. Shilkaan oo dhacay abaare 7.30am waqtiga London ayey boolisku sheegeen inay suaalo weydiinayaan darawalkii waday baabuurka.

Dadkii arkayey markii shilku dhacayey ayaa dhamaantood isku raacey in weerarku u muuqday mid ku talagal ah.

Boolis badan ayaa gaarey goobta waxa ayna qabteen darawalka oo hadda xabsi ku jira. suaalana la waydiinayo.

Hadalsame Media