Colaadda Soomaalida iyo Oromada (Maxaa cusub)

0

(Mogadishu) 14 Agoosto 2018 Ugu yaraan 40 ruux ayaa la dilay iyadoo ay barakaceen ku dhawaad hal milyan oo kale sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in asbuucaan gudihiisa ay gaysteen weeraro dheeraad ah iyagoo ka jawaabayey colaada u dhaxeysa Qawmiyadaha Oramada iyo Soomaalida.

Oramada ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dileen tobanaan qof oo Soomaali ah islamarkaana ay gubeen tuulooyin.

Qalalaasaha ka taagan xaduuda ay wadaagaan labadaan qawmiyadood ayaa welwel iyo degenaansho la’aan ka abuurtay gobolka, iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya u dirtay ciidamada qalabka sida ee Federaalka, waxaana la sheegay in sababta loogu diray ciidamada halkaasi ay tahay inay amarkii iyo kala dambentii soo celiyaan.

RW Itoobiya Cabeey Axmed oo shalay galinkii dambe la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa mar kale baaq u diray dhinacyada ku lugta leh xiisadaha ka taagan gobolada bariga waxaana uu ku booriyey in dhibta taagan lagu xalinayo dariiq nabadeed.

Hadalsame Media