Xad-gudubyada Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo faraha ka baxay (Qeylo-dhaan)

0

(Mogadishu) 14 Agoosto 2018 – Ciidamada dowladda Kenya oo ka mid ah hawgalka Midawga Afrika ee AMISOM ayaa dhawr mar oo hore loo jeediyey eedo culus oo ku saabsan gabood fal joogta ah, Kufsi haween, burburin hanta iyo sidoo kale dil micno darro ah oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Waxyaabaha sidoo kale hadda lagu eedeeyey Ciidamada Kenya waxaa ka mid ah beegsi joogta ah oo dhan ah Isgaarsiinta Hormuud iyadoo shirkada Hormuud ay sii deysay warsaxaafeed ay kaga dacwooneyso xad-gudubyada ciidamada Kenya.

Maamulka Jubbaland ayaa isagu si dhab ah kaga hadlin dhibaatadaan iyadoo sidoo kale dowladda dhexe ee Soomaaliya dhawr mar sheegtay in la baarayo dhibaatooyinkaan soo noq noqday.

Hoos, ka akhri warsaxaafadeedka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Warsaxaafadeed

Maalinimo Isniin ah oo taariikhdu tahay 13-ka Agoosto 2018 saacaddu markay ahayd abaare 1:00 dii habeenimo sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo shaqaalaha Shirkadda ayaa waxay ciidamada Kenya burburiyeen xarunta Cali-Bulleey ee shirkadda Hormuud Telecom oo 31 KM woqooyi ka xigta magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Kenya ayaa markii LIXAAD burburnaya xarumaha ay shirkadda Hormuud Telecom ku leedahay deeganada ku teedsan xuduudda Soomaliya iyo Kenya.

Dhacdadii tan ka horeeysay waxay ahayd 24 kii luuliyo 2018 markii ay ciidamada Kenya burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Dhuuntow oo ka tirsan degmada Ceel-Waaq kuna dileen laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom halka kan kalena uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumaha shirkadda hormuud ee kala ah Ceel-Baande, Dhamasse, Dhaga-Laab, Khadiijo-Xaaji oo ka wada tirsan gobolka Gedo.

Waxaa dhammaan xarumahaas ku burburay qalabkii isgaarsiinta sida BTS, Towers, Links, Matoorro, Solarro iyo waliba dhismayaashii xarumahaas.

Bulshada deegaanadaas ku nool ayaa faa’iido badan ku qabay adeegsiga isgaarsiinta iyada oo lacagaha xawaaladda loogu soo diri jiray, isla markaana ku fududaysan jiray dhaq dhaqaaqooda ganacsi si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Dilka iyo Burburinta ay Ciidamada Kenya ka geysteen Deegannadaasi waxay meesha ka saartay Adeegyadii Aasaasiga ahaa ee ay isticmaali jireen qiyaastii 20,000 Qoys. Waxaan dib ka soo gudbin doonnaa Khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay tacaddiyadaasi.

(Mahadsanidin)

Hadalsame Media