RASMI: Keita Balde Diao oo ku biiray kooxda Inter Milan + Sawirrada

0

(Milano) 13 Agoosto 2018 Garab weerarka Keita Balde Diao ayaa haatan si rasmi ah uga mid noqday kooxda Nerazzurri, kaddib markii uu laacibkan reer Senegalese uu saxiixay qandaraas sanad ah oo ay ku baxayso 5 milyan oo euro, halka sanad kaddib rigli looga dhigi karo 34m oo dheeraad ah.

Laacibkan oo Girona, Spain ku dhashay 08 Maarso 1995kii, ayaa ku biiray da’ yarta Barcelona sanaddii 2004. Wuxuuna kasoo tegey 2010, oo ay Blaugrana amaahisay kooxda reer Catalania ee Unió Esportiva Cornellà goortaasoo uu Keita u dhaliyay 47 gool hal fasal-ciyaareed, isagoo sanadkii xigey ku biiray Lazio oo uu sanadkii tegey ka sii aadey AS Monaco.

Laacibka ayaa haatan dib ugu soo laabtay Talyaaniga, isagoo sheegay in imaanshihiisa uu sabab u yahay macallinka Inter ee Spalletti.

Hadalsame Media