”Kuu jilba jabsan maynee waannu kula hardamaynaa” – Turkiga oo ka jawaabey weerarka lagu qaaday lacagtiisa!

0

(Ankara) 13 Agoosto 2018 – Turkey ayaa Donald Trump ku eedeeyay weerarka lagu qaaday lacagteeda qaran ee Liiraha oo 40% lumisay qiimeheedii marka lagu sarrifayo doollarka Maraykanka, waxayna Ankara diyaarisay tillaabooyin fal celin ah.

“Lacagta dalkeenna waxaa si toos ah u bartilmaameedsaday madaxwaynaha Maraykanka,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Berat Albayrak oo la hadlay Hurriyet. “Weerarkan, oo uu bilaabay laacibka ugu wayn ee hannaanka dhaqaale ee dunidu, wuxuu sidan oo kale ku yahay dal kasta oo soo koraya.” ayuu raacshey.

Qiime dhaca Liiraha Turkiga ayaa yimi kaddib markii uu madaxwaynaha Maraykanku uu Jimcihii laba laabay tariifada laga qaado birta aluminum-ka iyo aastada ee uu Turkigu u dhoofiyo Maraykanka, taasoo dhalisay inuu Liiruhu 40% hoos u dhoco.

“Dhamaan tillaabooyinkii aannu qaadi lahayn waa diyaar, waannu aragnay ciyaartaada, waxaad doonaysaa inaan kuu hoganno oo jilba jabsanno, lkn dhici mayso oo waannu kula hardamaynaa,” ayuu Albayrak raaciyay isagoo sharrixin.

Hadalsame Media