Taageerayaasha Juventus oo galabta markii ugu horreeysay daawan kara Cristiano Ronaldo oo Juve u safan (Halkee laga daawanayaa?)

0

(Villar Perosa) 12 Agoosto 2018 – Taageerayaasha JUVENTUS ayaa galabta markii ugu horreeysay daawan kara Cristiano Ronaldo oo ku dheelaya funaanadda dameer farowga ah ee Bianconero marka uu kasoo muuqdo kulan dhaqameedka Villar Perosa.

Ciyaartan oo dhex marta waawaynka iyo yaryarka Juventus oo kala ah A & B, waxaana ciyaartan tan iyo 1955-kii lagu dheelayay dhul ay leeyihiin qoyska reer Agnelli oo ku yaalla meel 40km bannaanka ka ah magaalada Torino, waxayna Juventus-ta waawayn kulankii ugu horreeyay ku badisay 3-2.

Ciyaartan oo galabta dhacaysa 5:00 galabnimo xilliga Talyaaniga, ayaan aalaaba la wada dhamaysan, waxaana ugu wacan xiisaha ay taageerayaashu u qabaan in ay la kulmaan laacibiinta, tusaale ahaan sanadkii tegey waxaa ciyaarta la joojiyay daqiiqaddii 50-aad iyadoo maraysa 0-0.

HALKEE LAGA DAAWAN KARAA?

Ciyaartan waxaa si khaas ah looga heli karaa hilinka Juventus TV, waxaa kale oo daawan kara qofkii haysta Sky Sport.

Hadalsame Media