Sacuudiga oo ka hadlay sababta uu ku diiday xoolaha Soomaaliya.

0

(Mogadishu) 12 Agoosto 2018 – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sharaxaad ka bixisay sababtii ay u soo celisay kumanaan xoolo Soomaaliyeed.

Sacuudiga oo warbixin arrintaasi la xariirtey soo saarey maanta oo Axad ah ayaa sheegay in Xoolaha Soomaaliya laga helay xanuunka la yiraahdo Rift Valley Fever.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xoolaha laga soo dhoofiyay Soomaaliya lagu sameeyay baaritaano dhanka caafimaadka.

Xoolahaan oo ahaa 27,000 oo neef ari ahaa ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafey dib loogu soo celiyey Soomaaliya waxaana qaar kood maraakiibtii waday lagu arkay Marsada Magaaladda Boosaso ee gobolka Barri.

Cudurkaan oo inta badan laga helo xoolaha ayaa sidoo kale u gudbi kara Aadanaha. Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada dalku wali kama hadli eeda Sacuudiga.

Hadalsame Media