Ronaldo oo isbitaal loola cararay (Cudur halis ah oo laga helay!)

0
Former player of the Brazilian national soccer team Ronaldo speaks with team members before the opening of an exhibition soccer match in the World Cup Football Park in Red Square in central Moscow, Russia June 28, 2018. REUTERS/Sergei Karpukhin - UP1EE6S0U2SXK

(Ibiza) 12 Agoosto 2018 – Laacibkii hore ee Barcelona, Inter, Real, Cruzeiro, PSV Eindhoven, Corinthisan iyo AC Milan ee Ronaldo ayaa haatan yaalla isbitaal ku yaalla magaala dalxiiska Ibiza ee dalkaasi Spain isagoo bestii la ah cudurka Qaar Jeexa oo ah caabuq halakeeya sambabbada.

Qannaaskii hore ee reer Brazil oo 42 jirsanaya bisha soo aaddan ayaa sanadihii dambe culays iyo buurnaan jireed la hardamayay, tan iyo markii uu kabahiisa waray sanaddii 2011-kii.

Ilo ku dhow maamulka maxalliga ah ee magaalada Ibiza iyo Formentera ayaa u xaqiijiyay warqaadka Diario de Ibiza in Ronaldo fiidkii Jimcihii la dhigay isbitaalka Hospital de Can Misses de Ibiza.

Laacibkii hore ayaa laga helay Qaar-Jeex ama pneumonia, waxaana deeto Il Fenomeno qaybta Gargaarka Gaarka ah ee ICU ee isbitaalka Policlinical Nuestra Senora del Rosario.

Ronaldo oo magaaladaa Ibiza guri ku leh ayaa halkaa tamashle u joogey xagaagan, waxayna in ICU la dhigay muujinaysaa inaysan xaaladdiisu sahlanayn.

Hadalsame Media