Qorigii dabka lahaa weli wax sharci ah lagama soo saarin illeen waa dan aan dowlad hufani ka jirine!!

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2018 – Anigu sigaarka ma cabbo, laakiin waan u naxaa dadka cabba kadeedka haysta.

Markii hore waxaa loo diiday in ay golayaasha bulshada iyo meel gudo ah ku cabbaan. Waxaa loo gu xigsiiyay dalalka qaarkood in aanay xitaa debedda ku cabbi karin.

Ta u gu darani waa in shirkadaha sigaarka soosaara la gu dirqiyay in ay ku soo dul sawiraan muuqaallo argagax iyo yalaalugo badan oo muujinaya jidh googgo’ay iyo cudurrada halista ah ee sigaar cabbiddu keento. Masaakiin!

Waxaa se hubaal ah carruurtii iyo dhallinyaradii marka ay sigaar cabbidda bilaabayaan ku xarragoon jiray in aanay imika sidii hore u gu degdegayn, waana ujeedka la ga lee yahay waxaas oo foolxumayn ah.

Dalkeenna weli sigaarka waa la gu xarragoodaa sow ma aha, iyada oo tabbeellayaal la gu xayaysiinayana arkaye? Dee waa dal aan dawlad lahayn.

Qore: Ibraahim-Hawd Yuusuf

Hadalsame Media