ONLF: “Waan joojiney dagaalkii aan kula jirnay Itoobiya,”

0

(Nairobi) 12 Agoosto 2018 -Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (Soomaali-Galbeed), ONLF ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqdey inay joojisay gacan ka hadalkii kuna bedeshay in xalka ay ku doonto wadahadal ay la galayso dowladda Itoobiya.

Tallaabadan oo aan la ogeyn waxa ay ku soo kordhin doonto gobolka ayaa ku su beegmaysa iyadoo isbedelo Siyaasadeed ka socdaan Barriga Afrika.

Baaqa ONLF waxaa ku xusnaa in maantaba ay si rasmi ah u dhaqangaleyso xabad joojintu sida ay sheegtay, waxaana looga jawaabayaa sida ay ONLF sheegtey baaq nabadeed oo uu hore u soo jeediyey RW Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumadiisu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Ma jiro wax hadal oo ka soo baxay dowladda Itoobiya kuna aadan warka ka soo baxay ONLF.

Hadalsame Media