NAQDIN: Muxuu hal abuurka Soomaaliyeed marka uu GABAR amaanayo GERI u sheegaa? (Qaybtii 1-aad)

0
742

(Hadalsame) 12 Agoosto 2018 – Bare Sare Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa laashin iyo macallin suugaaneed ayaa waxa uu dhaliili jirey laashimmada allifa heesaha jacaylka gaar ahaan kuwa ay ku jiraan ammaanta dumarku. Waxa uu sheegi jirey in mu’allifka soomaaliyeed marka uu rabo in uu gabar ammaano quruxdeeda uu ku matalo wax kale sida geenyo, daa’uus, geed iyo waxyaabo kale. Yeelkeede, meeshii uu gabadha quruxdeeda ka sheegi lahaa uu maanta oo dhan geenyo, geed ama daa’uus ammaano. Isaga oo ku ammaanaya tilmaamo badankooda aysan gabadhu la wadaagin ee iyaga u gaar ah.

Matalan, marka gabar la ammaanayo quruxdeeda oo geenyo lagu metelo ayaa waxaa caado u ah mu’allifka soomaaliyeed in uu geenyada ammaan la daba galo, gabadhiina iska illaawo oo muddo ka dib markii uu geenyada wax kale oo uu ku sheego garan waayo gabadhii u soo noqdo oo yiraahdo ‘geenyadaas ayaad u eg tahay’.

Eeg heestaan hoose oo uu allifey Axmed Saleebaan Bidde oo aan aaminsan ahay in uu yahay mu’allifka ugu dabiicisan kulligood oo aan wax dedaal ahi ka muuqan heesihiisa. Waxa uu gabadha ku ammaanayaa faras weliba aan geenyo ahayn. Faras dhaqaalaysan, naaxsan, nasan oo sararaha uu farowgu daliigeeyey. Ugu dambaynna si buuxda cududaha iyo meel walba aad uga cayiley.

Waxaa la sheegaa in heestaan iyo mid kale la tartansiiyey, dabadeedna middaan iin looga dhigay meeriska ah ‘cududuhu gamuurmeen.’ Iyada oo la leeyahay cududaha gamuurani gabadha ayey foolxumo ku yihiin. Laakiin, mu’allifku in uu gabadhaba illaawey – sida mu’allifiinta kale – oo uu geenyada ammaan ula kala baxay ma ay dareemin nimankii cilladeeyey heestu. Midda kale, inta aan la soo gaarin cududaha gamuuran ee ay iinta uga dhigeen heesta, marka horeba geenyo ma ahee faras lab oo sange ah ayaa meesha maraya. Tan kale in cayil dartiis uu farow daliigeeyey gaaddada iyo sararta naaxday waa ay ka soo gudbeen oo cillad uma ay arkin. Waana aynnu og nahay gabar gaaddada iyo sararaha ka naaxday in aan qurux loo arkin marka dhaqanka soomaalida la eego.

Halkaas ma inoo ka muuqataa in mu’allifka soomaaliyeed – sidii uu Axmed Nuur Yuusuf sheegay – uu gabadhii uu ammaanayey inta cidla istaajiyo uu ku dibboodo ammaanta wixii uu gabadha ku matalayey, dabadeed muddo dheer oo uu bad kale rinjiyeynayey ka dib, gabadhii oo meel ku cagaaratay inta u soo noqdo ku yiraahdo ‘wixii aan maantoo dhan ammaanaye ayaad u eg tahay’ ama ‘dareenkooda oo kale ayaad igu dhalisaa’.

Sidaad tahay gammaan faras
Sange geesi daaqsaday
Oo uu Garduur miray
Sodon biliyo gawdeed
Uu goobay farowgii
Sararta iyo gaaddada
Oo galangalcooboo
Cududuhu gamuurmeen
Oo galaba loo raro
Sida ramad guyaad dhalay
Hadba kaynta geedo leh
Oon guluf colaadiyo
Weli socoto dheer gelin
Gabadh yahay kalgacal baad
Goortaan ku eegoba
Qalbigayga gelisaa
Waxse aanan garanayn
Ii gunuddey caashaqe
Halka aad i gaadhsiin.

La soco qayb 2-aad….

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Aadan Ciiraale

Hadalsme Media

Facebook Comments