MASAYR KULUL: Neha Dhupia oo ka masayrsiisay atirishada Kajol (Daawo waxa dhacay)

0

(Mumbai) 12 Agoosto 2018 – Masayrku waa dareen la yaab leh oo ka mid ah waxyaabaha ku abuuran insaanka guud ahaan, gaar ahaan haweenka oo inta badan lagu xanto inaysan xakamayn karin dareenkaasi.

Mar la sameeynayay soo bandhigidda film-ka Hindiga ah ee Helicopter Eela, ayaa waxaa ku jirtey xiisad sawir qaadis ah, waxaana mar qura lagu baraarugey badda oo ku kacday Kajol oo ka masayrtay qalanjada kale ee Neha Dhupia. Mrs Dhupia ayaa bilowgii qoor qooraysatay jilaaga Ajay Devgan oo ay Kajol u dhaxdo, balse waxay xaaladdu cirka isku sii shareertay goortii ay rakada soo fuushay.

Kajol oo woxoogaa si niyad furnaan ah muujinaysa ayaa soo dhowaynaysa Dhupia oo ay moodaysay inay sawir la geli rabto, balse waxay u ishaaraysaa inay doonayso inuu dhankeeda soo xigsado, waxayna garabka Dhupia ka baxaysaa iyada oo uu sawirku kala bar marayo, iyadoo soo xijinaysa Ajay.

Waxaa xitaa mar la arkayaa Ajay oo kaligii masraxa taagan oo la hadlaya qof lagu sheegay Kajol isagoo u eg inuu leeyahay ” Saaxiibay maxaa kugu dhacay, waxan maxaa ka micne ah?”

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media