“Duq yahay mar dambe haku kaadinin gogoshayda!!”

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2018 – Waxaa Jirtay Hooyo dhashay Saddex Wiil, Sadexda Wiilba wey Guursadeen, Hooyadu waxa ay aheyd qof ladan oo xoolo leh laakiin waa ay gabowday ama duqowday, waxeyna qaadatay Go,aan ah in ay Imtixaan ka qaado Saddexdeeda Wiil si ay Xoolaheeda iyo Nafteedaba ugu Aaminto midkii ku Guuleysta Imtixaankeeda.

Waxey ka Bilowday midkii ugu weynaa, waxeyna timid Xaafadiisii waxey la Hoyatay Habeenkii, Aroortii ayeyna Xaaskiisii ku tiri Hooyo Weyso ii keen, markii ay u keentay Biyihii ayey ku Weysaysatay, ka dibna intii soo hartay ayey ku shubtay Firaashkii ay Xalay ku jiiftay.

Kadib waxey u yeertay Gabadhii, waxeyna ku tiri:- “Hooyo Gogosha waan ku kaadshay, waxaan ahay Waayeel marka iska Dulqaado. Gabadhii wey Canaanatay Sodohdeed iyadoo uu maqlayo ninkeeda aad beyna ugu carootay ama ugu xanaaqday, waxayna ku tiri: “Mar Dambe haku Kaadinin Gogosheyda.”

Hooyadii waa ay baxday, waxeyna aaday Gurigii Wiilkeeda Labaad ee kii hore ku xigay, waxeyna sameysay intii ay Gabadhii hore ku sameysay, waxay tan Dambe dheerayd wey Ceebeysay oo waxey u sheegtay Ninkeedii, isaguna kama uusan Xanaaqin oo ma Canaanan.

Ugu dambayntii hooyadii waxey tagtay midkii ugu yaraa Wiilasheeda Gurigiisa, waxeyna sameysay isla intii ay ku sameysay kuwii hore. Markii ay u yeertay Gabadhii oo ay ku tiri:- Hooyo waxaan ahay Waayeel oo waxaan Xalay ku Kaadshay Gogoshii ee Raali ahaada, ayey Gabadhii ku tiri Hooyo dhib maleh see kuugu Xanaaqnaa waalidiin ayaad tahiin immisaad nasoo koriseen, imisaan Dhabtiina ku Kaadinay, imisaad Noo Sabarteen, Dhib ma leh Hooyo Gurigaagii iyo Caruurtaadi baad la joogtaa.

Haddaba, intaas ka dib hooyadii waxey isugu yeertay Wiilasheedii, waxey u sheegtay in ay Imtixaan ka qaaday Sadexdooda, ayna heshay Gurigii ay Nafteeda iyo Xoolaheeda ku Aamini laheyd, waxeyna Hantideeda, Dhammaan ay ku wareejisay Wiilasheeda midkii ugu yaraa.

Halkaas ayey ku Baraarugeen kuwii kale, waxaana ku Dhaafay Fursadii ugu weyneyd ee raalli ahaanshaha waalidka iyo ducadeeda hooyonimo, iyadoo Hantidii Hooyadoodna uu la Wareegay Wiilkii ugu yaraa Reerka.

Dulucda ama biyo dhaca qisadu waxa weeyaan waalidku in mar kastaba loo axsaan falo, dulqaad loo muujiyo oo loo dhimriyo weliba marka ay waayeel noqdaan oo ay u baahan yahiin xannaano gaar ah.

Cabdullaahi Nuur Maxamed Colombo

Hadalsame Media