DAAWO: Ganacsato reer Muqdisho ah oo hindisey shaqo NAXARIIS DARRO ah!!

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2018 – Ganacsato ku sugan magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteellada iyo makhaayadaha qaarkood ayaa hindisey shaqo lagu tilmaami karo mid naxariis darro ah oo ka fog hannaanka akhlaaqiga ah.

Ganacsatadan ayaa niman u saaray inay hoteelladooda iyo makhaayadahooda ka ururiyaan bisado meelahaa ka qaraabta.

Nimanka bisadaha ururinaya oo aan wax qalab ah oo sax ah haysanin isla markaana aan xirfad u lahayn arrintan ayaa qaab caddibaad oo kale ah u ururinaya bisado yar yar oo baahan oo ay qaab jirdil oo kale ah dhulka ugu cadaadinayaan iyadoo xanuun la cabaadaysa, taasoo kasoo horjeedda wax kasta oo uu u taagan yahay qofka Islaamka ihi.

Dadka waxgaradka ah, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ayuu waajib ka saaran yahay inay joojiyaan dhaqankan naxariis darrada ah.

Hoos ka daawo waraysi uu nimankan ka qaaday iyo muuqaal uu kasoo duubay weriye Cabdullaahi Cismaan Faarax.

Hadalsame Media