AMISOM oo lagu amrey qorshe muhiim ah.

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2018 – Howlgalka ciidanka Midawga Afrika ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo koobo loogu yeero AMISOM ayaa amar lagu siiyey inay wax ka bedelaan habacsanaantooda islamarkaana ay si toos ah ula fal-galaan hawlgalada ciidanka Soomaalida.

AMISOM ayaa lagu eedeeyey ku aruursanyihiin xerooyin militari iyadoo aysan jirin tallaabooyin muhiim ah oo qaadeen tan intii Al-Shabaab laga saarey Magaaladda Muqdisho sanaddii 2011.

Taliyeha ciidanka AMISOM ninka lagu magacaabo Gen. Jim Awoysesigire oo boqolaal ciidanka AMISOM kula hadlayey Magaaladda Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele ayaa ku canaantey ciidankiisa inay hawlgalada la sameeyaan ciidanka Qaranka Soomaaliya—SNA waxaana sidoo kale uu ku amrey ciidanka Midawga Afrika inay ka soo baxaan doorkooda.

Waxaa uu xooga saarey ka hadalka amni darrida ku baaheysa wadada xariirisa Muqdisho iyo Jawhar halkaas oo ay ku bateen weerarada dhabagalka ah ee kooxda Al-Shabaab la beegsato kolonyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Gen. Jim Awoysesigire ayaa sidoo kale ku booriyey ciidanka AMISOM inay xoojiyaan xariirka ay la leeyihiin shacabka gobolada ay ku sugan yihiin.

Amarka Jeneraalkan ayaa yimid xili ay bateen weerarada Al-Shabaab u geysato gaadiidka Saheyda ciidan u sida AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan wadooyinka u isku xira Muqdisho labada shabeelle.

Hadalsame Media.