”Yaan lagu duulin dayuuradda British Airways!” (Sabab?!)

0
925

(London) 11 Agoosto 2018 – Nin magaciisa lagu soo koobay Pathak oo ah shaqaalaha rayidka doowlada hindiya ayaa qoraal uu dhigay bartiisa twitterka waxa uu sababay in dad badan oo hindi ay ka baaqdaan in ku safraan shirkadda diyaaradaha ee British Airways.

Arintan ayaa timi kadib markii qoys Pathak oo dhoofaya uu aad u ooyay wiil yar oo sadax jir ah oo ay dhaleen. Pathak ayaa sheegay in wiilka yar ay hooyadii qabatay si ay dajiso balse uu ooyayay. m

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada ayaa canuga ku qeyliyay oo yari aamus hadii kale waxaan kaa tuureynaa daaqada. shaqaalaha diyaarada ayaa markii danbe u yeeray qolyaha amaanka iyada oo markii danbe diyaarada laga dajiyay qoyskii.

Pathak waxa uu tilmaamay in ninka shaqaalaha diyaarada ah uu isticmaalayay erayo cunsurinimo ah sida ”Bloody Indians” oo macnaheedu yahay ”Hindigan baas”.

Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media

 

Facebook Comments