Toloow Farmaajo waa qoloma?!! (Maqaal micne leh)

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2018 – Aniga oo caloosha ku jira ayay burburtay dowladdii dhexe ee uu dalku lahaa. Ma sawiran karo sida ay u shaqayn jirtay iyo hannaanka dowladi u maamuli jirtay dadkayga! Kolleyba been iyo riyo ma aha in dowladdi jiri jirtay oo qalfoofta dhismayaasha aan Xamar ku dhex arkay wax la iisheegay in ay ahaan jireen xafiisyo dowladeed.

Garoommada kubadda cagta ee Xamar ku dhexyaalla waa tusaale kale, hanti beeleed ka qarowayn. Si walbaaba waa u run in dalku dowlad lahaan jiray! Dowladdaas qofaf maamulayay ayaa dalka ka baxay. Waxa aan qixin qoriga iyo kan siday.

Jaadka ay doonto ha noqoto ee ma jirto xabbad qori ka dhacda oo aan i dul marin. Aniga oo da’yar ayaan marqaati u noqday geerida dad xabbad lagu dilayo, qaar dhaawacmay kadibna dhimanaya iyo qaar debedda waran oo goor dambe daadka roobku xaaqay markii la garan waayay haybtooda.

Taa wax aan ka bartay inaanan ku badbaadi karin soomaalinimada is la gudaha soomaaliya. Lebiska ugu wanagsan ee qof ku xarragoodo ayuu ahaa qorigu. Wuu udgoonaa oo geeri ayaa ka soo carfaysay! Sariiraha lagu gam’o waxa hoos daadsanaa qoryo dhaadheer iyo rasaastooda. Khaanadaha waxa ka buuxay bambooyin!

Dhammaan degmooyinka Xamar ayaan midba mar u hoyday aniga oo qaxaya. waxbarashadii af carbida ku qorrayd ee aan sanadaha badan dhigan jiray yaraanteeyda waxbaba kama faa’iidin oo qof waxbarashadiisa eebe ku anfacay oo ku shaqaystay ma arag maqalna kuma hayo.

Sidaas daraaddeed waxbarashadu dhadhan ii ma ay lahayn. Farasmagaalaha Xamar oo aan ka shaqo billaabay waxa fariisan jiray laba qolo; Koox ku hadasha af soomaali garaab ah oo ka sheekeysta xusuusta ku dhexnool ee dowladdii hore iyo xililkii hoose ee ay hayn jireen iyo qolo miyiga ka soo gashay oo iska dhagaysta meerisyada gabayada awoowayaashood ka tiriyeen geel ay ka dhaceen Muslim kale.

Baryada dadka iyo shaxaadku xad malayn. Shaqada ugu badan ee la qaban jiray wax ay ahayd xambaaridda iyo aasidda maydadka. Baahidana waxa loogu dulqaadan jiray sida Lungfish. Magaaladu wax ay ahayd sida miyi oo Koronto, biyo iyo Baliis ma ay lahayn. Waxa loo socon jiray labalaba si ka geeriyooda uu uga soo warbixiyo ka kale.

Dadku wax ay isu dilayeen una dhimanayeen sida inay aakhira dalxiis ku tagayaan oo ay soo laabanayan. Wax aan bartay magacyada, nuucyada iyo dalalka soo saara qoryaha dadka lagu dilo markii aabahay oo ku mirqaamayay meel kudhow suuqa Siinaay ay xabbad ka fakatay qori Faal ah oo uu ku laafyoonayay abtigeey Suuleey ka gudubtay halbowlihiisa intii aanuu dhimanna adeerkay oo la qayilayey labadooda ayaa Suuley madaxa xabbad qori Sayr ah baxday kala dhacay oo galab isniin ah ayaa labadoodaba la geeyey qabuuraha Igeli ee jufadeennu ku leeyihiin duleedka Xamar.

Todobaadkii dambe oo aan kulaabtay halkii aabe lagu dilay wax aan ka soo qaaday kabihiisii dacaska ahaa iyo shaar gacmaha kajaran oo naaska bidix ka daloolay. muddo ayuu aniga hu’ ii ahaa. Caruur sidayda u usgag badan oo aan la soo koray waxa looga caalwaayey tuugannimo. Ilaahay wax uu iga badbaadiyey in aan xabagta nuugo. wax kale uu iga badbaadiyey in aan qori xanbaaro.

Wax aan go’aansaday in aanan sugin xabbad iyo xabaal ee aan xammaasho markii aan guriga kula noolaan kari waayay adeer Gaambe oo sariirta aabe ka dhintay soo degay. Nolosha adag ee Xamar ayaa i badday inaan noqdo caseeye. Dadka aan doonayay in aan kabaha u baalasheeyo badankoodu wax ay ku xarragoon jireen dacas!

Shaqadaas dhibka badnayd ee aan ku qaan gaaray waan joojiyey oo wax aan noqday kaxeeya gawaarida gargaarka degdega Xamar (Gaari gacanle). Lugta midig cajarka dushiisa ayuu nin madow oo qori garraarani ku bakhtiiyey xabbad sigaar ah oo uu nuugayay markii aan waydiiyey in uu ka istaago gaarigeyga uu dul fadhiyay.

Dooddii barqadaa na dhex martay aniga iyo wiilkaa walaalkay ah waxa aan ku waayey suulka lugta midig oo uu xabbad ifto ah oo afsaar ah ku qaboojiyey. Muslin iyo gaal iima kala soocnayn oo dunidu waxa ay ii ahayd siraad. Naxariista, xaqa iyo xuquuqda aan weriyayaasha iyo culimada ka dhagaysto waxa aan u haystay wax buugaagta ku qoran oo aan lagu dhaqmin.

Dowlad la’aan ayaan u silicsanaa se maan ogayn. Aniga oo gacmo maran ayaan goäaansaday in aan noqdo xaqooti. Siddeed sanadood oo aan kaariyoonle ahaa wax aan uruuriyey lacag aan u ga tallaabi karo badda Mediterranean. Ma doonayo in aan waqti badan kaaga lumiyo safarkii aan ku soo gaaray Talyaaniga ee aan la i kufsan se aan waxbaba la ii la harin.

Qaxootiga soomaaliyeed ee qurba joogta i su yaqaanna ayaan ku soo biiray. Dacwad deriskaygu iga gudbiyey galab Arbaco ah 8 Febraayo waxa la iga saaray gurigii hay’adda dib u dejintu ii gogoshay markii aan aad u la cabaaday guushii Farmaajo! Nacayb Xassan igu ma uu jirin se waxa aan doonayay isbeddel.

Gurigaa xun ee dowladdu i ga la noqotay wax iiga daran in aan xil la ii magacaabin iyo in aanan aqoon haybta Madaxwaynaha qaranka Soomaaliyeed!! Tolow Farmaajo wa qoloma? Haa, waaba illoobey isbeddelkii oo wax baan gocday, waana qandho soo jireen ah. Beesha, jufada iyo qabiilka ayaa ka horreeya qaran iyo qiyaame.!!

Waxaa Qoray: Idriis Xaaji Campione

AFEEF: Maqaalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media