SAWIRRO: Dekedda Muqdisho oo si rasmi ah u bilowday inay habeenkii shaqayso

0

(Muqdisho) 11 Agoosto 2018 – Dekedda Muqdisho ayaa si rasmi ah u bilowday inay shaqayso xilliga habeenkii, taasoo wax soo saarkeeda ka dhigaysa 24 saacadood oo aan kala go’ lahayn.

Wasiiradda Dekedaha dowladda dhexe ee Somalia ayaa horay u sheegtay inay arrintaa bilaabayaan, waxaana soo dhoweeyay gaadiidlayda xamuulka oo sheegay inay uga raysanayaan mashquulka waddooyinka xilliga maalintii.

”Habeenkii jidadku waa bannaan yihiin oo saxmad badan malaha sida maalintii” ayuu yiri mid ka mid gawaarida raratada ah ee canaabta kasoo qaada dekedda Muqdisho.

Waxaa horay dhanka dowladda uga soo baxay war kale oo sheegayay inuu haatan habeenkii shaqaynayo garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hadalsame Media