Ronaldo oo ka sheekeeyay sababta uu ku DOORTAY Juventus

0

(Torino) 11 Agoosto 2018 – “Waan faraxsan ahay, waayo ilaa carruurnimadii ayaan ku riyoonayay inaan Juventus u ciyaaro, wax kasta waa qurxoon yihiin: Waxaan diyaar u ahay inaan koobab ku guulaysto” ayuu yiri CR7.

Bisha malabka ee Cristiano Ronaldo iyo Juventus ayaa iminka uun bilaabmaysa, balse arooskii ka horreeyay ayaaba kasii qurux badan, wuxuuna laacibka reer  Portuguese la hadlay Juventus TV, oo uu soo xiganayo Tuttojuve.com.

Ronie ayaa Axadda kulankiisii ugu horreeyay safanaya ugu yaraan 45 daqiiqo, marka ay wajahaan kooxda Villar Perosa. “Waan u mahad celinayaa taageerayaasha, waxay iisoo dhoweeyeen si aad cajiib u ah, aniguna waxaan isku dayi doonaa inaan noqdo xirfadle wax kusoo kordhiya kooxda si aannu u wada guulaysanno,” ayuu yiri.

Ronaldo ayaa lagu kediyay su’aal ku saabsan sababta uu ku doortay Juventus: “Ilaa markii aan carruur ahaa ayaan jeclaa kooxdan, waa kooxda Talyaaniga ugu wayn, kana mid ah kuwa ugu wanaagsan caalamka. Way ii sahlanayd inaan doorto, waayo waa naadi aan caadi ahayn“. ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media