Qarax ka dhacay wershad samaysa agabka ciidamada (Waxyeello ka dhacday)

0

(Salisbury) 11 Agoosto 2018 – Hal qof ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac culus ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay warshad sameysa agabka ciidamada meel u dhow magaalada Salisbury ee gobolka England ee dalka UK.

Boliiska ayaa sheegay in qarax kadib dab xoog leh uu halkaasi ka kacay kaas oo ay damiyeen kooxaha gurmadka

Dadka warshadda ka shaqeynayay ayaa halkaasi laga saaray.

Boliisku waxa ay sheegeen in aanay wali ogeyn sababta qaraxa iyo dabka dhalisay oo ay baarayaan balse waxa ay tilmaameen in aanay jirin qatar dadku ka welwelaan.

Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media