MA OGTAHAY? ”Dembigii aan galay adigu dusha u rido” – Dhaqan ka jira Shiinaha!

0
815

(Beijing) 11 Agoosto 2018 – Dadka hodonka ah ee dalkaasi Shiinaha qaarkood, ayaa la sheegayaa inay ijaartaan dad iyaga shabbaha oo xabsiyada u gala (“substitute criminals,”), jeer ay iyagu bannaanka iska joogayaan iyadoo aan la fahmin ama ay fahamsan yihiin saraakiil musuq ihi, welibana warku wuxuu intaa ku darayaa inuu dhaqankani yahay mid qarniyo soo jirey.

Bartamihii 2009-kii, waxaa dhacday arrin aad dunidu uga war heshay, kagadaal markii wiil 20-jir ah oo hantiile ihi uu diley qof jidka dhinaciisa marayay isagoo gaari kula tartamaya dhallinyaro kale jidadka Hangzhou. Waxaana dembiilahaa lagu xukumay 3 sanadood.

Yeelkeede, waxay sheekadu cirka isku shareeray markii laga war helay in qofka maxkamadda fuulay uusan ahayn wiilkii dembiga galay, balse uu yahay wiil kale oo uu isagu soo ijaartey oo lacag siiyay. Kiiskaasi wuxuu ka caraysiiyay shacabka Shiinaha.

Sheekadu se kiiskaa kuma eka. Warbixin cusub oo uu Slate ku qoray Geoff Sant ayuu nin booliis ah oo ku nool bartamaha Shiinuhu wuxuu uga warramayaa dhaqankan la yaabka leh.

“Haddii uu qofku awood leeyahay, waxaa jirta fursad wayn inay tani dhici karto. Woxoogaa lacag ah ayuu bixinayaa bannaanka ayuuna joogaya oo maradiisa geed qabsan maayo,” ayuu yiri sarkaalkaa oo magaciisa qariyay, isagoo sheegay in dhaqankani aanu ahayn mid faraha ka baxay iyo mid naadir ah toona.

Waxaa la sheegayaa in 10% ay dadka Chinese-ku yihiin kuwo haysta hanti aad u fara badan, taasoo keenaysa inay samaystaan xeerar aan cadaali ahayn oo ay iyagu ku muraad qunsadaan, si ay sharciga uga sarreeyaan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments